U bood dhigaalka

Batuulo Gaballe: Waxaan Rajeyneynaa In Ra’iisul Wasaare Laga Dhigo Qof Dumar Ah

Sheeko:Dalka

Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka rajeynayaa in qof dumar ah uu ka dhigo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Guddoomiyaha ururkaasi Batuulo Sheekh Axme Gabelle ayaa sheegtay iney la kulmi doonaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, kana dhaadhicin doonaan in qof dumar ah loo dhiibo xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Waan la kulmeynaa madaxweynaha, waxaan ka rajeyneynaa anoo ka tarjumaya dareenka gabdhaha iyo danta umadda Soomaaliyeed in gabadh uu ka dhigo Ra’iisul wasaare, waxa ugu qiimaha badan ee gabdhaha dalkooda u qaban karaan waa iney u haystaan awood ay dalka iyo dadka ugu adeegi karaan, hay’adaha dowladda in gabdho loo dhiibo sida amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo maaliyadda ayaan dooneynaa”

Dhanka kale Batuulo ayaa mar ay soo hadal qaaddey qoondada haweenka ee Baarlamaanka waxay sheegtay iney baarlamaanka ku leeyihiin 79 xildhibaan, islamarkaana ay muujineyso in markaan haweenku ay kaalin weyn ku leeyihiin baarlamaanka.

“Waxaa muuqa in gabadhaha Soomaaliyeed ay ka sareeyaan awood qeybsigii la yiri waxbaa lagu qeybsanayaa, haween ineysan qabiil ku shaqeyneyn waxaad ka dareemaysaa tirada ay hadda ka haystaan baarlamaanka oo 79 ah”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaa laga sugayaa inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaarihiisa kadib marka ay dhacdo munaasabadda caleemo saarkiisa.

Goobjoog News