U bood dhigaalka

Baxreyn: Qarax Lala Eegtay Meel Ay Ku Suganaayeen Ciidamada Ammaanka Dalkaasi

Sheeko:Caalamka

Wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Baxreyn ayaa waxaa  ay sheegtay in askari ka tirsan ciidamada ammaanka waddankaasi uu dhintay, halka ay ku dhaawacmeen labo kale weerar qarax ka dhacay caasimadda Manama.

Wasaaradda arimaha gudaha ee Baxreyn waxa ay sheegtay in uu ahaa weerarkaan mid argigixiso oo lagu qaaday ciidamadadeeda waxa ay intaas ku dartay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaanno arrintaani la xiriirta.

Wasaaradda gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in bishii la soo dhaafay ay sameeyeen howlgallo kuwaas oo lagu dilay 5 qof, halka lagu dhaawacay 8 kale sidoo kale waxaa lagu qabqabtay howgalkaasi dad gaaraya 280 qof sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Baxreyn.

Goobjoog News