U bood dhigaalka

Baydhabo: Koonfur Galbeed Oo Taageertay Go’aanka Golaha Shacabka Ee 8dda Kursi, Kuna Baaqday Xasilooni Siyaasadeed

Sheeko:Baarlamaanka

Dowlad-Goboleedka Koofur-Galbeed ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay ka xun tahay go’aanka maxkamadda sare ay ka qaadatay 8dda kursi iyada oo taageertay sida golaha shacabka u xalliyay kuraastaasi.

Maamulka Baydhabo waxaa ay hey’adaha dowladda ugu baaqayaan in  ay ka shaqeeyaan  xasilooni siyaasadeed.

War Saxaafaeedka waxaa ka mid ahaa: 

“Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxay aad uga xun tahay go’aanka ka soo baxay Maxkamada Sare ee Dowladda Federaalka ah mid dhab ahaan u baalmarsan Hannaanka lagu Hirgeliyey Doorashooyinka Dadban ee 2016 oo saldhiggoodu yahay heshiis Siyaasadeed ay bulshada soomaaliyeed iyo Madaxda Hoggaanka Qaranka u wada dhan yhihiin, ayadoo dhammaan Arrimaha Hirgelinta iyo xallinta khilaafaadka kala duwan muranka ka dhalan karay Doorashada Dadban 2016 loo xilsaaray Guddiyo iyo Hay’ad sare marjac u ahaa, umana bannaana Maxkamadda Sare in ayba gasho ama gal u furto wax dacwo ah oo ku saabsan Doorashadaas oo hawlaheeda hay’adihi u xilsaarnaa ay soo gunaanadeen, natiijadii kama dambaysta ahayd ay ansixiyeeena lagu dhisay Dawladda dalka u dhisan una hawlgashay fulinta arrimaha xilalka dawladda…”

Halkan ka akhriso, Qoraalka la soo gaarsiiyay, Goobjoog News

121 zzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzz