U bood dhigaalka

Baydhabo: War Murtiyeed Ka Soo Baxay Shirka Siyaasadda Qaran Ee Dhalinyarada

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay shirka siyaasadda qaran ee dhalinyarada Soomaaliya waxaana goobjoog ka ahaa wasiirka dhalinyarada ee xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye sidoo kale waxaa shirkaan ka soo qeybgalay wasiirada ciyaaraha maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa waxaa laga soo qeyb galiyay qaar ka mida dhalinyarada ku nool magaalada Baydhabo ee Koofurta Soomaaliya iyaga oo matalaya dhalinyarada ku nool magaalada Baydhabo.

Shirkaan ayaa waxa uu dabo socdaa shirkii siyaasadda qaran ee ka dhacay magaalada Mugadisho kaasi oo ay ka soo qeybgaleen maamul goboleedyada dalka kaasi oo u jeedkiisa ahaa in la dajiyo siyaasadda qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shirka marka uu soo dhamaaday war-murtiyeedkii ka soo baxay waxaa warbaahinta u aqriyay agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan.

“Kulankaan oo dabo jooga labadii kulan oo horay uga dhacay magaalada Mugadisho waxaana ka soo baxay war-murtiyeedkaan hoos ku qoran .

  1. Iyada oo la tixraacaya 7dii bishii May 2017 kulankii koowaad ee wadatashiga wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha dowladgoboleedyada dalka .
  2. Waxaa la isla gartay in la isla sii ambo qaado meesha ay hadda wax marayaan si loo dhameystiro qodobada harsan.
  3. Waxaa la sila qaatay in sida u dhaqsiyaha badan wax looga qabto arriamaha dhalinyarada iyo ciyaaraha .”

Goobjoog News