U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Ugu Baaqdey Labaqa Gole Ee Baarlamaanka Federaalka Ah Wada Shaqeyn Dhexdooda Ah

Sheeko:Dalka

Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya sida wadamada deeq bixiyeyaasha ah, dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo ururada dowliga ah ee ay Soomaaliya xubinta ka tahay waxaa ay soo dhaweeyeen doorashada guddoonka aqalka sare.

Wadamadan oo war saxaafadeed wadajir ah soo saarey waxaa ka mid ahaa The United Nations, African Union, European Union, Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom iyo  the United States, iyagoo sidoo kale amaaney doorashada dhismaha gudoonka labada aqal, kuna dhiirigeliyay dhameystirta hannaanka doorashada dadban.

Arrintan ayaa timid kadib markii axaddii la dootey guddoobka aqalka sare, Cabdi Xaashi, guddoomiye, Abshir Bukhaari guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo Mowliid Xuseen guddoomiye ku-xigeenka 2aad.

Isla bishan horraanteeda waxaa la doortey guddoonka aqalka hoose, Maxamed Sh. Jawaari oo ah guddoomiye, Cabdiweli Muudey ku-xigeenkiisa 1aad iyo Mahad Cawad ku-xigeenka 2aad.

Beesha Caalamka waxaa ay labada aqal ee baarlamaanka ugu baaqeen iney yeeshaan wada shaqeyn adag, kana shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Soomaaliya, sida dib u eegsita dastuurka, dhismaha maamul goboleedyada.

Labada aqal waxaa ay dhawaan ka wada shaqeyn doonaan in la doorto madaxweynaha 9aad ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu dhaco kulan labada guddoon dhex mara kaas oo maanta baaqdey sida ay Goobjoog News u xaqiiyeen ila ku dhaw guddoonka.

Goobjoog News