U bood dhigaalka

Bil Kadib Qaraxii Zoobe…Mala Qaaday Falcelintii Loo Baahnaa?

Sheeko:Dalka

Muddo bil ah ayaa laga joogaa qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe, in ka badan 1000 qof ayaa ku waxyeeloobay, 31 maalmood kadib maalintaasi waxaa ay su’aal ka taagan tahay ma la qaaday tillaabooyinkii loo baahnaa?!

Bishii October gudaheeda waxaa iscasilay wasiirka gashaan-dhigga iyo iyadoo xilalka laga qaaday taliyeyaasha sirdoonka iyo booliiska, lama magacaabin badalkooda, madaxda waxay goob-walba ka sheegaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab, welina lama qaadin, sidoo kale marka laga reebo Itoobiya lama oga sida ay dalalka dariska uga jawaabeen gacantii uu weydiistay Farmaajo.

Qaraxa: Isgoyska Zoobe waxaa 14kii October ka dhacay qarax sababay khasaare naf iyo maalba leh, xogta rasmiga ah ee dowladda federaalka ah waxaa ay sheegtay in guud ahaan waxyeelada gaartay illaa  642 qof.

Khasaare Maaliyad: Sida ay Goobjoog ogaatay qaraxii October 14-keeda waxaa ka dhashay qasaare  dhaqaale, hantida wax ku noqotay waa 80 xarumo ganacsi ah oo isugu jira carwooyin, hoteello, xafiisyo, dukaanno, xawaalado, shirkado, kaalimo shidaal, madbacado, maqaayado iyo kuwa kale.

Haddaba burburka dhaqaale ee ka dhashay qaraxii October 14 ka dhacay isgoyska Soobe ayaa waxaa lagu qiyaasay iney ka badan tahay  $6,500,000.

Gurmad dal iyo dibad: Gurmad badan ayaa dhacay, dowladda federaalka ah waxa ay dhaawacyo badan u qaaday dibadda, waxaa ay caawinaad ka heshay dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Imaaraadkaadka, Itoobiya, Kenya, Djibouti, Qatar, Midowga Yurub iyo Mareykanka,

Gudaha dalka,  waxaa kale oo baraarug galay dhallinyaro Soomaaliyeed oo dhiig, nadaafad iyo gurmad kale u sameeyay dadka waxyeellada soo gaartay, dowlad goboleedka Puntland ayaa maamul iyo shacabba waxaa ay soo direen gurmad iskugu jira lacag iyo dawo, waxaa intaasi dheer Soomaalida ku nool Kenya iyo dunida inteeda kale, oo dhammaantood muujiyay isku duubni.

Inta aan u gudbin Tillaabooyinka xigay waxaa xusid mudan in October 12-keedii uu shaqada ka tagay Wasiirka Gaashaandhiga Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi

Tillaabooyin La Qaaday:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo muddadaasi bisha ah waxaa uu ka khudbeeyay meelo badan, sida xaflado, isaga oo la jooga ciidamado iyo hadal uu ka jeediyay goobta qaraxa.

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa insha Allaahu, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa waddada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena”. Ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay goobta qaraxa.

Mar uu shacabka la hadlay waxaa uu yiri“Qof kasta oo Soomaali ah waxaan ka rabnaa haddii aan annaga oo madaxdii dalka ah aan isla qaadannay qorshe mideysan,  iyagana waxaan ka rabnaa iney kaalintooda ka qaataan, garabna siiyaan ciidamada geesiyiinta ah oo ku jira aagagga hore, dhallinyarada Soomaaliyeed waa iney ka qeybqaataan xoreynta goobaha weli gacanta ugu jira Al-shabaab, hooyooyinka Soomaaliyeed waa iney doorkooda muujiyaan oo caanaha iyo biyaha ka dabogeeyaan wiilasha iyo gabdhaha ku jira aagagga dagaalka, culimada waxaan ka sugeynaa iney ku baraarujiyaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah in Al-shabaab aanay diin shaqo ku lahayn, fanaaniinta waxaan ka rabnaa iney bulshada guubaabiyaan” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka la hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysaneyno Al-shabaab, qibradeedii waad leedihiin, wadaniyaddeediina waad leedihiin oo waad soo aragteen dowlad istaagan oo xoog leh, dowlad wanaagsan oo diyaar u ah iney hormuud idiin noqotana waad haysataan oo annaga ayaa kow ka ah inaan ciidamadiina dagaalka idiin la galno, shacab wanaagsan oo soo jeeda waad heysataan oo idin dabataagan oo garab idiin siinaya, wax inoo haray ma jiraan, dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaallo, maskaxdii iyo aqoontii iyo qibraddii umad ay sugeysay ee shacabka Soomaaliyeed sugayeen waa idinka, marar badan badanna waan idiin sheegay, hadana waan idiin kugu celinayaa, cid kale oo Soomaaliya u maqan ma jirto oo idinka ahayn, waxaan idin ka codsanayaa waajibaadkiina sida uu yahay oo ugu dhaarateen inaad u fulisaan, oo aad ka fogaataan wax walbo oo dalkaan burburiyey, waxaan idiin sheegayaa annaga inaan idin horkacno” ayuu yiri madaxweynaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Marnaba qof Soomaaliyeed yuusan ku fekerin in quluubta ummadda Soomaaliyeed xudduud kala leedahay, sidaasi darteed waxaan codsanayaa in annaga oo isku duuban kulligeen in qofna aanu isku dayin inuu is yiraahdo maalin, Labo maalin, isbuuc dib u dhigin, yaan guryaha naloogu soo gelin, sababtoo ah waxay nagu xukumeen dil kulligeen”.

Booqashooyin:

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa October 22keedii waxa uu bilaabay booqasho 4 maalmood ah oo uu ku tagay gobolka gaar ahaan dalalka Uganda, Itoobiya iyo Djibouti, taasi oo qeyb ka ahayd dadaallada la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo saxaafadda la hadlayey markii uu Muqdisho ku soo laabtay ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaallada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagu qaadayo Al-shabaab “Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahan yihiin nagu gacansiiyaan.”

Booqashada madaxweynaha waxaa ka dhashay in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay dalka soo galaan November 1-deeda wixii ka dambeeyay, kuwaas oo la sheegayo in ay saldhig ka dhigan-doonaan Shabeellada Hoose.

Muddadaasi bisha waxaa uu Farmaajo labo-jeer khadka telefanka kula hadlay madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, waxaa kale oo jirtay in ra’isul wasaaraha uu safar ku tagay Turkiga isaga oo inta badan xoogga saaray amniga.

Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada:

October 22, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah.

Shirka oo muddo todobaad ah ka socday Muqdisho, ugu dambeyntii war-murtiyeedkii la soo saaray waxaa qodobadiisa ka mid ahaa

  1. La-dagaalanka Argagixisada:
    (1). In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada. (2). In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba. (3). Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.
  2.  Dhismaha Ciidan Qaran
    (1). In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture)
    (2). In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah.
    (3). Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka. (4). Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku la yimaado qorshe cad oo ku aaddan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017.

Xil-Ka-Qaadista Taliska Ciidamada:

29 October, 2017: Waxaa xilka laga qaaday taliyaha NISA Cabdullahi Maxamed Cali-Shanbalooshe iyo taliyaha booliiska Cabdixakiim Daahir Saacid, illaa iyo hadda dadkii badali lahaa lama magacaabin, sidoo kale wasiirka gashaandhigga.

AMISOM:

Madaxa hawlgallada AMISOM Francisco Madeira oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan howlgallada AMISOM iyo waxyaabaha kaga aadan dagaallada ay dowladda Federaalka ku dooneyso iney dalka kaga saarto Al-shabaab.

“Waxaan leenahay Hal cadow oo ah Al-shabaab, sidaa darteed waxaa waajib nagu ah inaan xoogeena isku geynno si aan u wajahno Al-shabaab, innaga oo isticmaaleyna Hal ciidan oo awood leh oo wajahaya, muwaadin kasta wuxuu leeyahay door uu arrintaan ka ciyaaro, taasi oo la rabo in xaqiiyo in Soomaaliya ka nabad qabto argagaxisada, waxa amuhiim ah in muwaadiniin Soomaaliyeed ciyaaraan door wanaagsan maxaa yeelay ciidamada oo kaliya Al-shabaab kama saari karaan deegaannada haddii aysan bulshada soo gudbin xogta ku saabsan Al-shabaab una soo gudbin hay’adaha ammaanka”

AFRICOM:

Sida afhayeen u hadlay  AFRICOM uu u sheegay  wakaaladda Associated Press,  weerarrada Mareykanka ay sanadkan qaadeen waa 26 weerar, 5 ka mid ah waxaa ay qaadeen wixii ka dambeeyay November 9.

Ugu Dambeyntii, Bil kadib qaraxa Zoobe, iyada oo la tix-raacayo tillaabooyinka aan soo qaadannay, ma la dhihi karaa waa laga jawaabay?  Sidee tahay in loo xisaabtamo dambiilaha? Illaa goorma ayaa la sugayaa fal-celinta dowladda?

W/Q: Abdirahman Hussein Ali

Goobjoog News