U bood dhigaalka

Booliis Dheeraad Ah Oo La Geynayo Xarumaha Waxbarashada Kenya

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa ciidamo Booliis dheeraad ah waxa ay geeneysaa guud ahaan jaamacadaha dalkaasi iyo xarun walbo oo waxbarasho, arrimo la xiriira cabsi laga qabo weeraro ay qaadaan Al-shabaab.

Thomas Sakah oo ah ku xigeenka wasiirka arrimahagudaha Kenya ayaa u sheegay Warbaahinta, in ciidamada looga golleeyahay sidii ay ku xaqiijin lahaayeen ammaanka, sidoo kalena looga hortagi lahaa qatar walba oo dhanka Al-shabaab uga timaada.

Sakah ayaa sheegay in tani ay waxbadan ka bedali doonto xaaladda amniga ee xarumaha waxbarashada dalka Kenya.

Ku xigeenka wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in sidoo kale arrintani ay yareen doonto ardayda ay Al-shabaab ka qortaan xarumaha waxbarasho ee dalkaasi.

Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ka dhanka ah dowladda Kenya wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 oo ciimadamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya.

Goobjoog News