U bood dhigaalka

Booliiska Kenya Oo Lagu Eedeeyay Dilalka Dad Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Hay’adda xuquuqul insaanka Kenya ayaa ku eedeysa booliiska dalkaasi iney dileen dad shacab ah oo dhigayey dibabaxyo ka dhacay magaalooyin kamid ah dalkaasi.

Qoraal ay soo saartay hay’addan ayaa waxay ku sheegtay in la diley dad gaaraya 37 qof, kuwaasi oo diidanaa natiijada doorashadii ka dhacday dalkaasi bishii August 2017.

Waxay tilmaantay hay’addan in aan la eegin xuquuqda ay dadkaan leeyihiin, islamarkaana Booliiska uu ku kacay fal ka baxsan xuquuqda aadanaha.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa laashay natiijada doorashadaasi, waxaana loo ballansan yahay in 26-ka bishan ay shacabka dalkaasi u dareeraan doorasho qof iyo cod ah.

Inta badan ciidamada Kenya ayaa geysta falal ka dhan ah bini’aadannimada xilliyada ay sameynayaan howlgallada.

Goobjoog News