U bood dhigaalka

Booliiska Oo Ka Warbixiyey Amniga Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Afgooye ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey xaaladda amni ee degmadaasi, xilli ay kordheen weerarada Al-shabaab ka geystaan Afgooye.

Taliyaha saldhigga Booliiska degmada Afgooye Amiin Maxamed Cismaan oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in amniga hadda uu hagaagsan yahay, islamarkaana ciidamada ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo sameeyaan xilli walba.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidanka ay heegan ku jiraan xilli walbo, kana shaqeeyaan amniga degmada iyo nawaaxigeeda.

“Ammanka degmada run ahaantii aad iyo aad buu u hagaagsan yahay, waxay ciidamada sameeyaan howlgallo ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo, waa laga yaabaa in mararka qaar ay wax dhacaan, balse Booliiska howlgalkiisa joogsi maleh” ayuu yiri Taliyaha.

Habeen kahor dagaalyahannada Al-shabaab ayaa weerar ku qaadey fariisin ay ciidanka dowladda Soomaaliya ku lahaayeen degmada Afgooye, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Goobjoog News