U bood dhigaalka

Booliska Somaliland oo Xabisiga Dhigay 2 Wariye Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland ayaa deegaanka Dogoble  oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag  ku xiray labo weriye oo la kala yiraahdo Maxamuud Cabdi Barre iyo Sakariye Axmed Yuusuf , kuwaasi oo la sheegay iney deegaankaas ku gaareen shaqo warbaahineed.

Guddoomiye ku-xigeenka ururka saxaafada Somaliland kayse Axmed Digaale ayaa sheegay iney weriyeyaashaasi qorshahoodu ahaa iney  ka soo warbixiyaan deegaanada  ay abaarta ba’ani ku dhufteen dhawaanahan, waxaanu cambaareeyey xarigooda oo uu ku tilmaamay mid waxyeello u geysanaya shaqadii warbaahintu  bulshada u haysay .

Wasiir ku xigeenka amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye  oo amarkiisa lagu xiray weriyayaasha ayaa sheegay in deegaankaasi  ay ka mamnuuceen in shaqo  warbaahineed oo aan ahayn ta dawliga ah  ay ka waranto,  madaama ay ka jirto colaad beelo halkaasi wada dega u dhaxaysa  oo wali lagu guulaysan kari la’yahay  maaraynteeda, isagoo aan sheegin waqtiga la sii dayn doono labada weriye.

Deegaankan Dogoble ee ay labada weriye ku xiran yihiin  waxa ka taagan abaaro aad u daran iyo colaado soo noqnoqday oo u dhexeeya beelo walaalo ah  afartii bilood ee  u dambeeyey iyadoo colaaddaa ay ku dhinteen dad ka badna 20 ruux oo aano qabiil ku baxay.

Saxaafada Somaliland ayaa iyaduna labadii sanno ee u dambeeysay qabtay cabasho ay ka sheeganayso xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaana hadda xiran labo wargeys iyo Afar suxufi  oo ay ku jiraan labadan wariye ee lagu xiray Dogoble .

Goobjoog News