U bood dhigaalka

Brussels: Shirkado Soomaaliyeed oo Ka Qeyb Galaya Carwo Lagu Soo Bandhigaya Cunnooyinka Badda

Sheeko:Dalka

Ganacsato Soomaali ah ayaa ka qeyb galeysa carwada caalamiga ah ee Seafood Expo Global tirsigeeda 24naad taasi oo ka dhaceysa magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Carwadan oo socon doonta 3 maalmood, waxaana ka soo qeyb galay 20 shirkadood oo Soomaali ah, sida uu noo sheegay Cabdi Bashiir Saciid oo ka mid ah ganacsatada lagu casuumay Seafood Expo Global.

Carwada waxaa ku sugan in ka badan 22,160 oo ah dadka wax iibsanaya ama kuwa iska iibinaya, waxaa kale oo carwada soo booqday dad ka kala yimid 143 dal oo caalamka ah, shirkadaha waa 1,664 oo ka socda 80 dal, goobta carwada waxaa ay la eg tahay 35,862 square meters.

Ujeedka carwada ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga suuqyada cunnooyinka badaha iyada oo meel la is kugu keenayo ganacsatada, macmiisha, warbaahinta iyo dadka ku taqasusay culuumta badaha iyo cunnooyinka laga helo.

Cabdi Bashiir Saciid Jaamac oo kamid ah ganacsatada Soomaalida ah ee ka qeyb galeysa bandhigaas ka dhacaya Brussels ayaa Goobjoog News uga warbixiyay Soomaalida ka qeyb galeysa carwadaas iyo waxa ay soo bandhigayaan.

Cabdi Bashiir ayaa sheegay in carwada ay kasoo qeybgaleen ku dhawaad 20 shirkadood oo Soomaali ah. Waxaana ganacsatada ku wehelinayay carwada Wasiirka Kalluumeysiga ee Dowladda Soomaaliya.

“ Shirkaan ka dhacayo magaalada Brussels waxaa ka soo qeyb galyo ilaa 1,700 oo shirkadood kuwaas oo kakala socda 75 waddan oo caalamka ah, waxaana ka qeyb galaya gancsato badan oo Soomaali ah”.

Dhanka kale shirkadaha Soomaalida ah ee ka qeyb galaya Seafood Expo Global ayaa soo bandhigay kalluunka iyo waxyaabaha kale ee badaha Soomaaliya laga helo.

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galayaasha ay la wadaageen fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Soomaaliya.

Carwada Seafood Expo Global ayaa lagu wadaa in lasoo gabo-gabeeyo maalinta berri ah.

Goobjoog News