U bood dhigaalka

Bukaankii Ugu Horreeyay Dadka Qaangaarka ah oo Ka Bogsaday Cudurka AIDS-ka

Sheeko:Caafimaadka

Dhakhaatiir u dhalatay Britain oo ka kala socda jaamacadaha Oxford, Cambridge iyo Imperial College ee caasimadda London ayaa ku dhawaaqay inuu ka bogsaday qofkii ugu horreeyay ee qaangaar ah cudurka HIV Aids.

Jariidada la yiraahdo The Sunday Times ayaa sheegtay in nin Britsh ah oo da’diisu tahay 44 jir uu noqday qofkii ugu horreeyay ee rag ah oo ka bogsaday cudurka AIDS-ka. Ninkan iyo 50 qof oo kale ayaa qaatay dawo cusub oo lagula dagaalamayo virus HIV.

“Waa markii ugu horreysay ee isku day dhab ah si dhameystiran looga daweeyo qof cudurka HIV,” waxaa sidaa sheegay Mark Samuels oo ah maamulaha machadka wadaniga ah ee cilmi baarista dalka Britain.

Sida laga soo xiganayo dhakhaatiirta, qaabkan cusub ee loo daweynayo viruska, waxaa ugu horreyn la xakameynayaa cudurka kadibna waa la dilayaa mar kaliya oo si guud mar kaliya jirka oo dhan looga dhameynayaa.

Dhkhaatiirta ayaa sheegaya in dawadan cusub ee cudurka lagula dagaalamayaa ay mareyso tijaabooyinkii koowaad, loomana soo deyn wali cusbitaalada iyo in si rasmi ah loogu adeegsado daweynta cudurka AIDS.

Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sanadkii 2014 waxa uu diiwaan geliyay 37milyan oo qof, kuwaas oo xambaarasan viruska AIDS-ka, waxaa cudurkan u geeriyooda sanad kasta 1.5 milyan oo qaba cudurka, ย dadka cudurka qaba kala bar oo qura ayaa nasiib u ย helaan dawooyinka kaalmaatiga ah ee cudurka lagula dagaalamo.

Goobjoog News