U bood dhigaalka

Bulshada Garoowe Sidey u Arkaan Safarka Madaxweyne Farmaajo Ku Tagayo Magaaladaasi?

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ka aragti dhiibtay safarka la filayo in maalinta berri ah uu magaaladaasi ku tago madaxweyne Maxamed C/laahi Maxame Farmaajo.

Shacabka ayaa sheegay iney aad usoo dhoweynayaan safarka madaxweynaha, waxaana ay sheegeen in mudadii uu madaxweynaha joogay waxbadan uu qabtay, waa sidey hadalka u dhigeenne.

Cabdi C/laahi Diiriye “Waan soo dhoweyneynaa madaxweynaha, waa midka kaliya ee aad mooddo inuu wax dhaqaajiyey, waxaana leenahay madaxweyne kusoo dhowoow Garoowe”

Burhaan Maxamed Jibriil “Madaxweynaha waxaan leenahay kusoo dhowoow magaaladaadii, aad baan kuu taageersannahay, intey joogeen waxay soo celiyeen qarannimadii, waxaadna moodaa in hadda Soomaaliya cagta soo saareyso wadadii nabadda”

Dhanka kale, isbedal aad u ballaaran ayaa laga dareemayaa guud ahaan magaalada Garoowe, iyadoo sawirada madaxweynaha iyo calanka Soomaaliya lagu dhajiyey meel walbo oo magaaladaasi ah.

Sidoo kale, Garoowe waxaa gaaray wafdi horudhac u ah madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo usii gogol xaaraya safarka madaxweynaha.

Goobjoog News