U bood dhigaalka

Bulshada Ku Dhaqan Deegaanka Xinlibi Oo Ka Cabanaya Xaalad Nolol Xumo

Sheeko:Dalka

 

Bulshada ku nool deegaanka Xinlibi ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa ka cabanaya xaalado dhanka nolosha ah oo ka dhalatay abaarta ka jirta guud ahaan gobollada dalka. Iyaga oo sheegaya in carruurta iyo haweenka ay xilligaan soo wajahday nafaqo darri baahsan, deegaankuna aanu lahayn xarun caafimaad oo lagu baxnaaniyoi.

Abshir Saciid Maxamed, waxa uu kamid yahay howlwadeennada dhanka caafimaadka ee deegaanka Xinlibi, isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sharaxaad ka bixiyey xaaladda caafimaad darro ee ka jirta deegaankaasi.

“Midda ugu daran waa Nafaqo darri, hooyadii iyo dhallankii ayaa ugu liita dadka oo Nafaqo darrida ay soo wajahday, waxa sababaya waxa weeye abaarta dalka ka jirta, deegaankaan malahan waxyaabaha lagu nafaqeeyo hooyada iyo dhallaanka, sidoo kalena ma jirto xarun caafimaad” ayuu yiri Abshir Saciid.

Sidoo kale Abshir oo hadalkiisa sii watey ayaa sheegay in dhallinyaro is xilqaantay ay guri kireeyeen islamarkaana ay dawooyin ay jaabkooda kasoo gadeen ay dadka siiyaan.

Dadka ugu daran ee xaaladooda caafimaad ayuu sheegay iney geeyaan deegaanka Baxdo oo qiyaastii 80 Km u jirya deegaaanka Xinlibo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada