U bood dhigaalka

Bulshada Rayidka Oo Su’aallo La Xiriira Miisaaniyadda Dalka Weydiiyey Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga maaliyadda ee baarlamaaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulan ay dadweynuhu ku weydiinayeen su’aallo la xiriira saameynta bulshada ay ku leedahay miisaaniyadda 2017.

Xubnaha guddigaasi ayaa goobta ka sheegay in Soomaaliya aanay weli ka dhicin in daweynuhu ay su’aallo weydiiyaan guddiga maaliyadda golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qorshaha ayaa ahaa in kulankaasi uu ka qeybgalo wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, balse mas’uuliyiinta guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ayaa sheegay in wasiirka uu cudurdaar soo gudbiyo kulanka kahor.

C/laahi Maxamed Nuur oo ah xoghayaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu horreyn waxa uu sharaxay qaabka ay miisaaniyadda ku timid.

“Wasaaradda maaliyadda waxay warqad ogeysiis u dirtaa guud ahaan hay’adaha dowladda ee kamidka ah misaaniyadda dalka, waxaa looga codsanayaa iney aragtidooda ama baahiyahooda ay kusoo gudbiyaan muddo kooban, markii ay soo gudbiyaan waxaa jira habab ay soo marto oo ah in qeybaha wasaaradaha u qaabilsan arrimaha bajadka iyo wasaaradda qeybta u qaabilsan bajadka ay sii wada fariistaan, kadib waxaa fariisanaya agaasimayaasha, madaxda hay’adaha ayaa la fariisanaya wasaaradda maaliyadda, miisaaniyadda waxaa la geynayaa golaha wasiirada, marka ay soo ansixiyaan waxaa loo soo gudbinaa golaha shacabka, golaha shacabkana waxaa wakiil uga ah guddiga maaliyadda, dabcan marka la ansixinayo guud ahaan waxaa anisixinayo baarlamaan weynaha, laakiin shaqada sidaas ayeey u soconeysaa, sanadihii hore qeybaha bulshada uma helin fursad sidan ah oo miisaaniyadda ku aadan’ ayuu yiri xoghayaha.

Intaasi kadib bulshada rayidka ah oo kulankaasi su’aallo ku weydiinayey guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ayaa dhanka kale waxay soo jeediyeen talooyin ku aadan arrimaha miisaaniyadda.

Ugu dambeyn, Cali Cabdi Cismaan, guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ayaa sheegay in haddii talooyinka sidan oo kale ah ay bulshada ka yimaadaan laga gudbayo musuqa lagu sheego hay’adaha dowladda.

Goobjoog News