U bood dhigaalka

Burcad Badeedda Oo Qafaashay Doon Ganacsi

Sheeko:Dalka

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in Sabtidii shalay ay biyaha dalka Yemen kasoo qafaasheen doon ganacsi, taasi oo ay lasoo aadeen dhanka maamulka Puntland.

Hay’adda ganacsiga iyo ilaalinta badaha ee dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in doonidan oo shixnado ganacsi ah waddey ay u gacan gashay burcad bedeedda.

Wararku waxay sheegayaan in lala aaday dhanka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, iyadoo weli aanu jirin faah faahin kale oo laga helay qafaalka doonidan.

Saraakiisha ciidamada Midowga Yurub ee ka jooga xeebaha dalka ayaa dhankooda waxay xaqiijiyeen in la qafaashay doonidan sida ay warka ku heleen.

Kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa sanadkaan fuliyey weeraro dhowr ah oo ay ku qafaasheen doonyo ganacsi oo dhammaantood gacanta ugu jira, marka laga reebo Markab shidaal oo ay sii daayeen.

Goobjoog News