U bood dhigaalka

Burcad Badeedda Soomaalida Oo Laga Badbaadiyay Dooni ay Shalay Qafaasheen

Sheeko:Dalka

Howl-gal ay sameeyeen maraakiibta dagaalka ee dalalka Hindiya iyo Shiinaya ayaa maanta waxaa lagu soo furtay markabka OS35 oo shalay sabtidii lagu afduubtay xeebaha gacanka Cadan.

Saraakiil Hindiya ayaa waxaa ay sheegayaa in ay xiriir ka heleen kabtanka doonta ay isaga iyo shaqaalaha kale ay isku xireen kabiinka doonta, xiriirro dhex maray labada dhinac uga dambeyntii waxaa laga badbaadiyay burcadda.

19 badmaaxiyiin ah oo ajnabi ah ayaa laga soo badbaadiyay markab ay kooxaha burcad badeeda afduubteen, Saraakiisha ciidamada Badda ayaa sabtidii helay digniin ku saabsan in burcad badeed dooni watay ay koreen markab marayay meel 75 mayl u jirta xeebaha Yemen.

Afhayeen u hadlay shirkad laga leeyahay dalka UK oo ka shaqeysa ammaanka baddaha, fadhigeeduna yahay Dubai, ayaa sheegay dhammaan shaqaalaha badmaaxiyiinta lasoo bad baadiyay inay badqabaan.

Kabtan ayaa u mahadceliyay maraakiibta dagaalka halkan dhankooda maraakiibta dagaalka ee dalal Hindiya iyo Shiinaha ay isugu hamablyeeyeen sida ay ugu guuleysteen howl-galka.

Bishan bilowgeedii waxaa ay burcadda afduubteen Doon Hindiya ah iyo 11 shaqaale ah oo saarnaa, Doonta waxaa ay socotay inta u dhaxeysa Jaziiradda Socotra iyo Soomaliya.

Bishii March Burcad Badeedda waxaa ay afduubteen Markab shidaal oo uu ka dul-babanayey calanka Comoros, waa markii ugu horreysay ee markab la afduubto tan iyo 2012-kii.

Goobjoog News