U bood dhigaalka

Buugaagta Xasuusqorka Madaxweynihii Hore ee Mareykanka Omaba oo Xuquuqda Faafintiisa Lagu Iibsaday Lacago ka badan 60 Milyan oo doollar

Sheeko:War

Shirkadda Penuin Rondom House ee dhanka faafinta ayaa sheegtay iney heshiis la gashay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo Michelle Obama.

Heshiiskan ayaa ah mid ay shirkaddu ka faafineyso Labo buug oo uu soo saarayo Obama, shirkaddu si cad umey sheegin lacagta uu madaxweyne Obama iyo xaaskiisu ay qaadanayaan, iyadoo labadna buug lagu faafin doono dhamaan dunida oo dhan.

Shirkaddu waxay sheegtay in madaxweyna Obama iyo xaaskiisa Michelle ay lacagaha ugu badan ku bixindoonaan dhanka samafalka oo ay ku jirto hay’adda samafalka ee madaxweyne Obama magaciisa ku howlgasha.

Jaraadida la yiraahdo Financial Times oo soo xiganeysa dadka ka agdhawaa heshiiska ayaa yimid tartan xoogleh oo shirkada faafinta buugaagtu u galeen si ay labadan buug, iyadoo lacagaha lasoo bandhigay ay kor u dhaafayeen 60 Milyan oo dollar, waana arrin record ah in lacag intaa le’eg lagu iibsado xuquuqda faafinta buugga xasuus qorka madaxweyne Mareykan ah.

Lacagtan ayaa ah mid aad uga badan lacagtii soo gashay madaxweyne Obama 8 sano ee Aqalka Cad ee Mareykanka uu maamulayay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa buugga Xasuusqorka madaxweyne ka helay $15 milayn, iyadoo buug uu soo saaray la magacbaxay “Noloshaydii”, halka madaxweynihii ka dambeeyay ee George W.Bush uu ku xuquuqda faafinta buuggiisii xasuusqor madaxweyne ka helay $10 milyan, iyadoo uu buuggiisa cinwaan uga dhigay “Go’aanno Masiiri ah” oo uu uga warramayo go’aannadii uu qaatay intii uu hayay xilka madaxtinimada Mareykanka.

Shirkadda Penguin Rondom House ayaa horay u daabacday Saddex buug oo uu qoray Obama kuwaas oo kala ahaa; “Riyooyinkii Aabahay”, “Yididiiladii aan u bareeray”, “Farriin aan u dirayo Gabadheyda”.

Shirkaddan heshay xuquuqda faafinta buugaagta Obama ayaan shaacin cinwaannada buugaagta cusub iyo xilliga ay soo baxayaan toona.