U bood dhigaalka

B/xaawo: Ciidamada Jubbaland Oo Gacanta Ku Dhigay Walaxa Qarxa

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa magaalada B/xaawo ee gobolka Gedo waxay ku qabteen Miinooyin la sheegay in lagu aasay waddooyin mara degmadaasi.

Howlgal ay ciidamadan sameeyeen ayeey ku qabteen Labo Miino oo la sheegay in lagu kala aasay Labo waddo oo shacabka socodkiisa ku badan yahay.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Jubbaland qaarkood oo saxaafada la hadlay waxay sheegeen in Miinooyinkaan xogtooda ay soo sheegeen dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxay saraakiishan sheegeen iney wadaan howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana lagu baadigoobayo cid walbo oo amniga wax u dhimeysa.

Ma jirto cid loo soo qabtay miinooyinkan ay ciidanka Jubbaland heleen, hase ahaatee marar badan sidan oo kale waxay ciidankaan u qabteen walxaha qarxa oo lagu aasay waddooyin ay shacabka maraan.

Goobjoog News