U bood dhigaalka

Caalim: Madaxda Kale Ee DFS Iyaguna Gobollada Dalka Ha u Safraan (Dhageysi)

Sheeko:Dalka

Danjire Maxamed Maxamuud oo wax ka qora arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in safarka madaxweynaha uu gogol xaar u noqon karo rajada nidaamka Axsaabta badan ee 2021-ka.

Wareysi uu caawa siiyay Goobjoog ayuu ku sheegay in safarka madaxweynaha uu yahay mid uu taageero kaga raadinayo bulshada Soomaaliyeed.

Nidaamka iyo awood qeybsiga hadda uu Madaxweyne Farmaajo ku joogo kursiga oo ah habka qabiilka ee 4.5 ayuu sheegay danjiraha in laga guurayo taas bedalkeedna qof kasta oo siyaasi ah qasab ay tahay in uu u baahdo taageerada shacabka.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay waxa uu safarka madaxweynaha ee Gaalkacyo uu ka tari karo ballanqaadkiisa ahaa in dowladdiisu ay kaalin ka qaadan doonto nabadeynta magaaladaasi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale la xasuustaa in xafladdiisa caleema saarka uu ballan qaaday in dowladdiisu ay wax badan ka qaban doonto colaadaha ku soo noqnoqday magaalada Gaalkacyo kuwaas oo inta badan dhexmara malleeshiyaad iyo ciidamo kala taabacsan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Halkaan hoose ka hageyso wareysiga:

Goobjoog News