U bood dhigaalka

Caanaha Hooyada oo aan Ku Koobnaan Doonin Caruurta!

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa caan ah oo la ogyahay in caanaha hooyadu uu faa’idooyin badna u leeyahay ubadka, waxaa laga helaan maaddo ka hortag ah oo xoojisa habdhiska difaaca jirka yareysana khatarta ah in ilmahayar uu ku dhaco cudurro farabadan.
Xilli dhaw ayaa la tilmaamayaa in dadka qaangaarka ahna ay ka faa’iidi doonaan maaddooyinka uu ka kooban yahay caanaha hooyada oo la doonayo in teknoolajiyadda casiri ah lagu soo saaro, iyadoo la filayo inuu difaaca jirka kaalin muhiim ah ka ciyaaro.
Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib markii ay cilmibaayaal ay ogaadeen sanadkii hore, iney suurtogal tahay in si hor dhac ah loo diyaariyo caanaha hoyada iyadoo la adeegsanayao bakteeriyda aadanaha.
Shirkadda Sugarlogix oo fadhigeedu yahay Berkeley gudaha  ee dalka Mareykanka ayaa aragta in hor-u-marinta fikraddaasi ee ah in laga sameeyo kiniinno difaaca jirka ah oo lagu taageero raashinka.
Waxaan labo isweydiin lahayn faa’iidooyinka muhiimka ah ee laga helo caanaha hooyada,  waxaase la is weydiinayaa faa’iidooyinka ay ka heli karaan dadka qaangaarka ah caanahaas.
Cilmibaarayaashu waxay ogaadeen in sirta caanaha hoyada ku jirtaa uu yahay sonkorta “HMOs” ee ku jirta gudaha caanaha oo la ogaaday in sokortaasi ay tahay mid faa’ido u leh caloosha, waxay  kobcisa bakteeriyada faa’idada leh ee  “Bifid bacterium Ion gum” .
Arrintan cusub ayaa keenaysa in shirkaduhu ay ku tartamaan fikradda iyagoo dooneya iney sameeyaan isla markaana ay suuqgeeyaan maddooyinka ay ka kooban yihiin caanaha hooyada.

Sourse:Daily Mail