U bood dhigaalka

Cabdi Xaashi Cabdulahi

Sheeko:War

Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ay guddoomiye u doorteen Cabdi Xaashi Cabdulahi, Xaashi waxaa uu horey uga tirsanaa baarlamaanka 9aad, isagoo madax ka ahaa guddiga warfaafinta.

Cabdi Xaashi, waaa nin da’a ah oo muddo 4 sano ah ku jirey siyaasadda, Xildhibaan iyo wasiir intaba waa uu noqdey, hadda waxaa uu 4-ta sano ee soo socota ahaan doonaa afhayeenka aqlka sare ee Soomaaliya.

Hadaba Halkan Hoose Ka Akhriso, Taariikhda Cabdi Xaashi:

Cabdi Xaashi, waxaa uu ku dhashay Baabiley , Itoobiya sanadkii 1946-dii

Waxbarasho:

1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar

1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho

1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho

1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho

Shaqo:

1972-1974: Macalin Ceel Jaalle

1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.

1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS

1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.

1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka

1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka

1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.

1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.

1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.

2004-2009: Xubin Baanrlamaan.

2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.

2008-2009: Wasiirka Caafimaadka

2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.

 October 22, 2017: Waxaa loo doortey guddoomiyaha aqalka sare ee federaalka Soomaaliya

Goobjoog News