U bood dhigaalka

Cabsi Laga Qabo Khilaafka Khaliijka Inuu Saameeyo Ganacsiga Xawaaladaha Soomaalida

Sheeko:Dalka

Khilaafaka Siyaasadeed ee u dhaxeeya wadamada Khaliijka ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu saameeyo ganacsiga ay  Soomaalida  ku leedahay dalalkaasi oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee xawaaladaha ku leh Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa waxay walwal weyn ka qabaan in la xiro xawaaladahooda maadaama dowladda Soomaaliya ay shaacisay in arrinta Khaliijka ay dhexdhexaad ka tahay.

Diblomaasi Maxamed Maxamuud Nuur oo ah diblomaasi Soomaaliyeed ayaa waxa uu Goobjoog uga waramay saameynta dhaqaale ay Soomaaliya ku yeelan karto xiisadda ka taagan Khaliijka isaga oo sheegay in arinta Khaliijka ay saamey weyn ku yeelan karto dhaqaalaha Soomaaliya.

“Khilaafkaan waxa uu saameyn ku yeelan karaa ganacsiga Soomaalida  gaar ahaan waddanka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo Soomaalida ay ganacsi badan ay ku leedahay gaar ahaan lacagaha xawilaadda oo dhan meeshaas ayay soo maraan, arrintaasi waxay nagu yeelan kartaa saameyn weyn”.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa xilli bilowgii bishaan ay ku dhawaaqeen dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka in xiriirka Diblomaasiyadeed ay u jareen dowladda Qatar oo ay sheegeen in ay taageerto kooxaha islaamiyiinta ah.

Wixii intaas ka dambeeyay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku cadaadinayeen in Soomaaliya ay xiriirka u jarto dowladda Qatar balse Soomaaliya way ka soo horjeesatay arrintaasi.

Goobjoog News