U bood dhigaalka

Cadaado: Gaari Qaraxyo Siday Oo Lasoo Bandhigay

Sheeko:Dalka

 

Ciidamada Nabad sugidda dowladda Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan qeybtooda ka howlgala deegaannada Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud kusoo bandhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo Labo nin oo la sheegay iney wateen gaarigaasi.

Gaarigaan lasoo bandhigay ayaa siday noocyada kala duwan ee walxaha qarxa, waxaana saraakiisha amniga ay sheegeen in gaarigaasi laga soo qabtay deegaanka dhanka galbeed kaga beegan magaalada Cadaado, islamarkaana la damacsanaa in gudaha magaaladaasi lasoo geliyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay gaarigan ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen soo qabashada gaariga iyo raggii watay oo xogtooda horey loo sii haayay.

“Waxaa dhacday sida ay indhihiina arkayaanba, Labo nin oo halkaan ku xiran oo baabuur caasi ah wata oo runtii qaraxyo tiro badan oo caagag iyo alaab qaraxda isugu jira oo kala duwan oo badan oo aad indhihiina ku aragteen ugu soo talogalay iney wax ku yeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed, iyo dhulkaan nabadeysan oo runtii aan dhihi karno waa dhul nabadeysan, iney carqalad, shaki geliyaan ay u muujiyaan iney meel kasto wax geyn karaan, laakiin waxaan u mahadcelinaynaa ciidamada amniga oo ay ugu horreeyaan kuwa Nabad sugidda NISA oo howl runtii aad aan u tiro yareen qabtay 48-kii saac ee ugu dambeysay, soona helay gaarigii qaraxa laga buuxiyey” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday in la abaalmariyo dadkii soo sheegay xogtii lagu soo qabtay gaarigan iyo ciidamadii soo qabtay, maadaama horey u balanqaadey madaxweynaha in la abaalmarin doono qofkii soo sheega walxaha qarxa iyo hub shacabka lagu dhibaateenayo.

Waa markii ugu horreysay oo degmada Cadaado lagu soo bandhigo gaari ay saaran yihiin walxaha qarxa iyo raggii watay, waxaana ciidamada amniga ay sheegeen iney ku raad joogaan rag kale oo lagu tuhmayo iney la shaqeynayeen dhallinyaradan, islamarkaana ku sugan magaalaca Cadaado.

Goobjoog News