Cadaado: Musharraxiinta Madaxweyne Oo La Diiwaangelinayo

cadaado-1132x670

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa ka soconaya diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulka Galmudug, kadib markii guddiga doorashada uu maalintii shalay ahayd soo saaray jadwalka doorasho.

Sida ku cad jadwalka doorashada madaxweynaha Galmudug, 1-dii bishan illaa 5-ta bishan April waxaa socon doonta diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilkaasi.

6-da bishan waxaa la qaban doonaa doodda musharraxiinta madaxweyne ee Galmudg, iyadoo ugu dambeyn 10-ka bishan ay magaalada Cadaado ka dhici doonto doorashada.

Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa 5-ta bishan waxay ku dhawaaqi doonaan tirada musharraxiinta is diiwaangelisay iyo sidoo kale magacyadooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News