U bood dhigaalka

Cafiska Mukhtaar Roobow Kadib, Akhriso Liiska 7dii Uu Mareykanka Lacag Dul Dhigay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa la sheegayaa in ay Wadaadka Mukhtaar Mansuur Roobow ka saartay liiska dadka ay lacagta dul dhigeen.

Sida ay qortay VOA-da, Mareykanka ayaa sidaa go’aansaday Jimcihii.

voa

Sheekh Roobow oo ahaa ku-xigeenka Al-shabaab, waxaa uu hadda ku sugan Koonfur Galbeed, waxaa la sheegayaa in ay jiraan wada hadal u socda isaga iyo maamulka halkaasi ka jira, waxaana muuqata in heer fiican laga gaaray.

Bisii June 2012-kii, wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lacag dul dhigtay madaxda Al-shabaab uu xiligaas ku jiray Mukhtaar Roobow, raggaas oo intooda badan qaarna la dilay, qaarna is dhiibeen.

Maraeykanka waxaa ay sheegeen in $7 Milyan dul dhigeen aasaasaha Al-shabaab Axmed Cabdi, $5 Milyan ragga kala ah Ibrahim Xaaji Jaamac, Fu’aad Maxamed Khalaf, Bashiir Maxamed Maxamud iyo Mukhtaar Roobow halka $3 Milyan la dul dhigay Zakariye Ismaaciil Xersi iyo Cabdullahi Yare.

Goobjoog News