U bood dhigaalka

Cali Jeyte Cismaan Oo Mar Kale Loo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Hiiran

Sheeko:Dalka

Warar ay Goobjoog News heshay ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu mar kale xilka guddoomiyaha Hiiraan usoo magacaabay Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Cumar Aadan Ibraahim oo xilkaan loo magacaabay 10-kii June sanadkaan 2017, xiligaasi oo xilkaan laga qaaday guddoomiyaha hadda lagu soo celiyey.

Waa shaqadii ugu horreysay ee uu qabto madaxweynaha Hirshabelle Mudane Waare, waxaana tani ay imaaneysaa xilli horey xil ka qaadistii Jeyte loogu sameeyay uu muran xooggan ka dhashay.

Wixii ka dambeyay curashada maamulka Hirshabelle waxaa si aan kala fogeyn isbedallo loogu sameynayey maamulka gobolka Hiiraan.

Goobjoog News