U bood dhigaalka

Cali Khaliif Oo Rajo Xumo Ka Muujiyey Mirodhalka Wadahadallada Dowladda Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in marnaba aanu is faham ku dhammaan doonin wadahadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyadoo aan wax laga bedelin sida ay hadda wadahadallada u socdaan.

Galeyr ayaa sheegay in hadii Shan Sano oo hadda dhiman uu sii socodo wadahadalka xitaa aanu natiijo ka imaaneyn, illaa loo wadahadlo Koonfur iyo Waqooyi.

Waxa uu sheegay in rajada ugu weyn ay tahay marka Somaliland ay aqbasho in wadahadalka uu noqdo mid u dhaxeeya Koonfur iyo Waqooyi.

“Haddii ay wax dhaleyso Koonfuir iyo Somaliland baa wadahadlaya mar hore ayeey dhali lahayd, Shan sano kale hadii lagu noqnoqdo Turkiga waxbo ma imaanayaan, laakiinse marka loo hadlo waqooyi iyo Koonfur waxaa laga yaabaa in la isku fahmo wadahadal, markii aan helno Somaliland oo la wada leeyahay oo aan cidna cidda kale ka xigin, awoodna ugu sheegan waa macquul in natiijo laga gaaro wadahadallada” ayuu yiri Cali Khaliif.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in mar walbo ay ka go’an tahay in miiska wadahadalka ay la fariisato maamulka Somaliland ee aaminsan inuu yahay dowlad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Goobjoog News