U bood dhigaalka

Cali Khaliif Oo Somaliland Ka Codsaday In La Fuliyo Qodobadii Ay Kula Heshiiyeen Khaatumo

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyaha maamulka la magac baxay Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr ayaa ka dalbaday hoggaanka cusub ee Somaliland, iney fuliyaan heshiiskii ay la galeen maamulkiisa.

Wuxuu sheegay in shacabka Khaatumo ay doonayaan oo kaliya in la helo Somaliland oo loo wada dhan yahay, dhanka kalena wuxuu sheegay in Somaliland-ta hadda jirta aysan ahayn mid dadku u siman yahay.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in la dardargeliyo fulinta qodobadii lagu heshiiyey.

“Heshiiskii waan kala saxiixannay, yoolkana wuxuu yahay in la helo Somaliland loo wada dhan yahay, kolley annaga waxaan is dhahnaa Somaliland-ta hadda laga hadlayo looma dhama, Somaliland la wada leeyahay in la dhiso, heshiiskana sidaa buu ahaa, maamulkaan cusub waxaan uga fadhinaa iney fuliyaan heshiiskan” ayuu yiri Cali Khaliif.

Inkastoo Cali Khaliif Galeyr uu heshiis la galay Somaliland, hadana waxaa jira garab kale oo Khaatumo ah, kana soo horjeeda heshiiskaasi.

Goobjoog News