U bood dhigaalka

Cali Maxamed Geeddi Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo xasiloonida iyo nabadgelyada dalka.

Geeddi ayaa sheegay inay ceebtahay in maalin walba loo tacsiyeeyo umadda Soomaaliyeed oo sida uu sheegay ay laynayaan dad uu ku tilmaamay inay yihiin cadow.

“Ilaahey waxaa uu naga dhigay dad awood leh oo aqoon leh oo qaran ah oo ciidan leh oo shacab iyo dowladnimo rabo leh intaas haddaan isku darno oo cadowga aan dalka qaban weyno waxaan naqoneynaa dada mas’uuliyaddoodii aan ka soo bixin” ayuu yiri Geeddi.

Sidoo kale Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan rajeynayaa inaan iskugu baaqno isu sheegno inaan dalka ka xoreyno cadowga umaddeenna baabi’inaayo qof uu dhaafayo malahan dowladd uu la dirarsanyahay ma ahan shacabkii birmageedada ahaa ayey maalin walba leynayaan”

Al-shabaab ayaa bishan gudaheeda waxay qaraxyo ka sameeyeen magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintey qaraxyadaasi shacab aad u badan.

Goobjoog News