U bood dhigaalka

Canada Oo Cabasho Ka Dhan Mareykanka U Gudbisay Ururka Ganacsiga Caalamiga Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Canada ayaa cabasho ka dhan Mareykanka u gudbisay ururka ganacsiga aduunka, waxay Canada u eedeyneysaa Mareykanka inuu ku tumanayo xeerarka u yaallo ganacsiga caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa timid iyada oo labada dowladood uu ka dhaxeeyo khilaaf  arrimaha waxsoo-saarka sida qalabka diyaaradaha iyo alwaaxda oo uu Mareykanka uu saaray canshuur badan.

Sidoo kale,  labadaan dowladood ayaa waxay ka qeyb galayaan dadaallo lagu wado sidii dib loogu soo celin lahaa wadahadalka heshiiska ganacsiga ee xorta qaaradda Mareykanka waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey inuu ka baxayo heeshiiska, kaasi oo xadidaya sharuudaha ganacsi ee u dhaxeeya wadamada Mareykanka,Canada iyoMexico .

Canada ayaa ku eedeysay hay’adda Mareykanka u qaabilsan arrimaha ganacsiga inay qaadatay go’aamo intii uu socday khilaafkau dhaxeeya Canada iyo Mareykanka waxayna tilmaantay in go’aamadaas ay u xaglinayaan dhanka Washinton.

Canada ayaa cabashada waxay u gudbisay ururka ganacsiga caalamiga ah 20 bishii December,waxayna xubnaha ururka ay isla dhexmareen arrintaan shalay oo talaado aheyd.

Cabashada ayaa waxay qaadan doontaa muddo 60 maalin ah si looga tashado, haddii la xalin waayo isla waqtigaas, waxaa loo deynayaa guddiga raacsan ururka ganacsiga caalamiga ah.

Wakiilka u qaabilsan Mareykanka ururka ganacsiga caalamiga ah ayaa sheegay cabashada ay soo gudbisay Canada inay tahay weerar aan marmarsiyo laheyn oo ka dhan ganacsiga Mareykanka,waxaa uu hoosta uu ka xariiqay in dhammaan eedeymaha ay soo gudbisay Canada ay tahay wax aan sal iyo raad toona laheyn.

Goobjoog News