U bood dhigaalka

Caqabadaha Dawladda Ka hortagan In ay Koontaroosho Ceelasha Biyaha Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

Biyuhu waa aasaaska jiritaanka nolosha bani’aadanka, dhirta iyo dhulka, sida meelo badanba lagu sheegay  Waxaana u helidda dadka bani’aadanka ah biyo nadiif ah oo ay isticmaalaan ay kamid tahay  xuquuqdooda.

Dalka waxaa ka shaqeeya shirkado ceelal gaar ah kuwaasi oo biyha ka ganacsada mana jirta cid kontaroosha  nadaafada iyo Goobaha ay celsha kuyalan.

Dhawaan  Golaha wasiirada ayaa meel mariyay sharciga biyaha kaasi oo kahadlay waxyaba badan oo quseeya biyaha iyo ilaalinta cafimaadkooda.

Sharciga Golaha wasiirada ay ansixiyeen  waxa uu shuruudo ku xirayaa meesha ceel laga qodi karo iyo masaafada ay isu jirsanayaan labo ceel, si looga illaaliyo musqulaha iyo meelaha aan ku haboonen;

waxaa laga mar maan ah in magaalada banaankeeda ah laga qodo  ceelasha biyaha Sida uu sheegay Cabdirashiid Cartan oo ah madaxa Hay’ada ilaalinta degaanka.

“ marka la eego dhulkeena waxaa u sameen sanyahay qabab badan oo u baahan in la  xadeeyo meelaha macdanta aan keheleno, meelaha biyaha kuwanaagsan, waxaa dhacda in dhul degaan celal hada laga sameeyo taasi waxay keneeso cafimaad daro waxaana is gaaraya wasaqda musqulaha gobaha ay celasha kuyalaan”.

Dawladda Soomaaliya hadda waxa ay dooneeso inay xooga saarto shuruucda badan oo ay soo saaratay sidii ay udhaqan galin lahayd marka barlmaanka ay ogaladaan.

Habada suura gal matahay in dawladda ay kontaroosha ceelsha biyaha iyadoo sharcigan ladabaqayo waa kan Maxamuud Cusmaan baaltaag oo kahadlaya.

“ sharciga biyaha waa Mid muhiim ah oo lobahnaa waxaana uu horseedi karaa inay dawladda la imaado qorshe cad oo ay kumaamusho biyaha sida aan oganahay hada waxaa ceelasha gacantooda ay kujirta shaqsiyaad taasi oo dhib keenesa xaga cafimaad madama ay jirin cid kontaroosha fayadhoorka biyaha”.

Daraasado ay sameeysay  Xarunta Biyaha & Degaanka Soomaaliyeed wexey muujineysaa in inta ay   amaanka, aqoonta iyo dhaqaalaha maqan yihiin aysan suuro gal aheyn in wax laga qabto degaanka-sii-xumaanaya iyo biyo- la’aanta ayada oo ay weliba maqnaanshaha arrimahaasi ay dhalinayaan in dhibaatooyinkaasi ay sii kordhaan.

Cabdi rashiid Cartaan oo cilmiga degaanka bartay waxaa Uu qaba in caqabadahaasi ay yihiin mid muuqata.

“ Caqabadaha fulinta  sharcigan hortagaan ayaa ah in dawladda aysan maamulin ceelasha oo ay jiraan shaqsiyaad muda 20 sano ceelsha ka ganacsada waxaa kale loo bahan yahay in lasameeyo nidaamka lagu maamuli lahaa Biyaha”

Warbixin ay horey usoo saartay hay’adda UNICEF ee qaramada midoobey ayaa lagu sheegey in 45% dadka Soomaaliya ku dhaqan ay heli karaan biyo nadiif ah, halka inta soo hartay ay halis ugu jiraan in ay qaadaan xanuunada shubanka uu ka mid yahay iyo kuwa kale ee biyaha laga qaado nadaafad xumo darted.

Sharcigani oo ah mid  wali aan barlmaanka  lahorgeyn waxaana uu sugaya ansixita Golaha shacabka waxaana uu dhaqan galaya markii uu saxiixo madaxwaynaha.

  WQ.CABDIWAHAB MAXAMED IBRAHIM