U bood dhigaalka

Carwada Buugaagta Caalamiga oo Maalintii Labaad Ka Socota Hargeysa

Sheeko:Caalamka

Sanadkii sideedaad ayaa waxaa la qabanayaa Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa, waxaana sanadkani wax soosaarkooda maskaxeed kusoo bandhigayo wax ka badan 100 qof oo qorayaal iyo farshaxaniistayaal isugu jira.

Sida uu sheegey guddoomiyaha bandhigga Jaamac Muuse, sanadkani hal ku dhigga waxa uu yahay “Waa Maxay Baradeyda” oo loola jeedo xeendaabka uu qofka ku fikiri karo, kuna cabbiri karo aragtidiisa.

Waxaa sanadkani la marti qaaday dalka Nigeria oo ay ka socdaan sedex qof oo marti sharaf qorayaal sarsare ah, iyo dad kale oo badan oo ka socda dalkaasi.

Dadka sida gaarka ah loo martiqaaday ee ka socda adduunka daafihiisa waxa ay gaarayaan illaa 32 qof oo ka kala socda illaa 14 dal.

Bandhiggani ayaa waxa uu sare u qaaday dhaqanka qorista iyo akhrinta gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, iyada oo sanad kasta lagu soo bandhigo buugaag badan oo ay qoreen dad dhalinyaro oo hal abuur leh.

Hargeysa waxa ay ahayd meesha kaliya ee bandhig buugaag lagu qabto Soomaaliya, hase yeeshee sanadkani markii ugu horeysey waxaa mid la mid ah lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, kaasi oo qorsheysan in uu qabsoomo 26-da bishani Agoosto.

Goobjoog News