U bood dhigaalka

Doorashooyinka Aqalka Hoose Oo Dib Uga Billaabmaya Kismaayo Iyo Jowhar

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in dib ay uga billowdaan doorashooyinka aqalka hoose, magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo, oo maaalmo hakad gashay doorashada.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu dooran doonaa Labo Kursi, halka Jowharna lagu dooran doono 5 kusri sida ay soo sheegayaan wariyaasheenna ku sugan magaalooyinkaasi.

Doorashada aqalka hoose ee Kismaayo ayaa hakad gashay kadib markii lagu murmay kursiga uu u tartamayey wasiirka Batroolka xukuumadda Soomaaliya, waxaana doorashada ay hakad ku jirtay muddo 4 maalin.

Doorashada Jowhar ayaa iyaana waxay hakad ku jirtey muddo 2 maalin ah kadib markii lagu dagaallamey kursigii uu u tartamayey wasiirka Cayaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Magaalooyinka Baydhabo iyo Cadaado ayeey maanta doorashada uga dhici doontaa sidii caadiga ahayd.

Wadarta guud xilidhibaannada aqalka hoose ee la doortey ayaa ah 114 mudane, waxaana harsan 161 mudane.

Goobjoog News