U bood dhigaalka

Ganacsiga Adeegyada ah oo Soomaaliya Kusoo Kordhaya

Sheeko:Dalka

Travel AgencyMudo aad u dheer ganacsiga Soomaalida waxa uu ahaa kiish ama neef la kala iibsanayo, ama badeeco muuqata, hase yeeshee waxaa dhawaanahan aad usoo kordhaya ganacsiyada ku shaqeeya adeegyada la kala iibsado oo markii hore dalka ku yaraa.

Sida uu qabo Cabdi Abshir oo ah agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, ganacsiga adeegyada ku dhisan waa kan ugu macaashka badan waxaana ka mid ah isgaarsiinta, sarifka iyo xawaaladaha, wuxuuna intaasi ku daray in mar aan fogeyn Soomaaliya ganacsiyada adeegyada ku dhisan ay noqon doonaan kuwa ugu badan ee dalka ka jira.

Ganacsiyada adeegyada ku shaqeeya waxaa ka mid ah Xafisiyada xagga socdaalka ama loo yaqaano Travel Agency, mid ka mid ah shirkadahani yaryar waa Diamond Travel Agency, waxaana shirkadani madax ka ah Daahir Salaad Axmed.

Daahir oo la hadlay xubinta ganacsiga ee Goobjoog ayaa yiri “Waxyaabaha aan qabano waxaa ka mid ah waxaan jarnaa tigidhada duulimaadyada gudaha iyo dibadaba, waxaan kireynaa dayuuradaha ingeerka ah, sidoo kale waxaan soo saarnaa fiisayaasha caafimaadka iyo waxbarashad” .

Wuxuu intaasi ku daray in ay dadka u fidiyaan adeeg baabuur lagu geynayo meesha uu doono, sida dalxiiska oo kale.

Ganacsiga duulimaadka ama kan xiriirka la leh ayaa ah mid si weyn ugu soo batay Soomaaliya tan iyo intii la heley xasiiloonida meelo badan oo dalka ka mid ah.

Haddii xasiloonida sii raagto waxaa la qiyaasayaa in ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka uu sare usii kici doono, iyada oo ganacsiga adeegyada ku shaqeeya ay kaalinta hore galayaan.

Dhageyso

 

Goobjoog News