U bood dhigaalka

Qaxootiga Ka Soo Laabtay Dhadhaab Oo Sheegay In Ay Heysato Xaalad Bini’aadannimo

Sheeko:Dalka

Faadumo Maadoow Mahad Alle waa guddoomiyaha qaxootiga kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, iyada oo ka hadleysay qaxootiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Kenya kasoo laabtay  ayey sheegtay in dhibaato faro badan ay kala kulmeen magaalada Mugadisho.

Faaduma waxa ay sheegtay in dhibaatooyinka ay qabaan ay ka mid tahay in aysan helin hoy wanaagsan daryeel caafimaad sidoo kalana ay san helin u badkooda waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee nolosha aas-aasiga u ah.

Faaduma waxay hoosta ka xariiqday in qaramada midoobay gaar ahaan hay’adda u qaabilsan qaxootiaga ee UNCHR ay uga baxday ballan ay la galeen, ballankaas oo ahaa in Soomaaliya marka ay tagaan ay wax badan ka faa’idi doonaan.

“Meesha aan joognay waxaan ku heysannay waxbarasho caafimaad  waxaan ku heysannay hooy iyo cunto, waan ognahnay in bani’aadanka marka uu meel ka yimaado in uu san wadaheleyn wixii uu heystay “.

Faadumo ayaa ugu dambeyn waxa ay sheegtay in qaar ka mida xaqootigii ka soo laabtay xeryaha dhadhaab ay dib ugu noqdeen Kenya ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ka waayeen wax jawaab ah iyada oo sidoo kale hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga adduunka ay sida ay sheegtay uga baxday ballan ay la galeen.

Goobjoog News