U bood dhigaalka

Waxbarashada Internet-ka Laga Qaato oo Ka Wanaagsan Tan Caadiga ah

Sheeko:War

Saynisyahanno u dhashay dalka Mareykanka ayaa cilmibaaris ay sameeyeen ku ogaaday faa’iidooyinka dheeraadka ah ee laga helo duruusta cilmiga ah ee laga qaato Internet-ka marka loo eego kan habka caadiga ah ee goobta waxbarashada la aadayo.

Khubaradan oo ka tirsan jaamacadda Oregon oo daraasad ballaaran sameeyay ayaa caddeeyay in adeegga waxbarasho ee Internet-ka laga helo uu dadka u saamaxo iney macluumaadka lagama maarmaanka ah u helaan si ka sahlan; ka heer sarreysa; kana faham badan, waddooyinka kale ee goobaha waxbarashada uu qofku lugihiisa ku booqanayo.

Muuqaallada waxbarasho ee Internet-ka laga helo heerka fahamka waxa uu ka sarreeyay 18% habka caadiga ah ee la booqanayo fadhiyada aqooneed ee sida caadiga ah wax loogu barto, waa sida cilmibaarista lagu sheegay.

Khubaradan ayaa tilmaamay in wadada ugu wanaagsan ee waxbarashadu ay tahay, in caruurta loo helo muuqaallo manhajka cilmiga ah oo si heer sare ah oo madadaalo leh loo diyaariyay, waxbarashada wadadaa lagu barto waxay ka wanaagsan tahay;  ka sahlan tahay; kana faham badan tahay, habka caadiga ah ee wax loo barto.

Goobjoog News