U bood dhigaalka

Cawad Axmed Cashara Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Cawad Axmed Cashara oo ahaa Xildhibaan horay uga tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dalka Canada halkaasi uu ku noolaa.

Marxuum Axmed Cashara waxaa uu ka tirsanaa jabhadda uu hoggaaminayey Maxamed Cabdi Xaashi, kadibna jabhado kale ayuu ka mid noqday..illaa ugu dambeyntii  uu wax ka aasaasay maamulka Puntland isaga oo noqday wasiirka warfaafinta.

Dowladihii KMG ahaa waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada, isaga oo noqday guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaankii 8aad.

Wax uu wax badan ka qoray Taariikhda Soomaalida .

Goobjoog News