U bood dhigaalka

Cawad Cashara “Amni Ma Sugi Karo Askari Aan Baran Sharciga”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan hore Cawad Axmed Cashara ayaa sheegay in amni darada dalka ka jirta ay qeyb ka tahay qaabka loo maro qorista ciidanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Mr. Cawad oo u warammay Goobjoog News, ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dib loogu laabto wadada loo maro hab qorista Ciidanka si looga dhabeeyo sugidda ammaan ee Caasimadda iyo Goblada dalka.

“Lagama filayo in xaslinta Amniga dalka qeyb uu ka qaato askari aan baran sharciga iyo wadaninimada intaba, waxaa kale oo aan wanaagsaneyn qaabka loo maro qaadashada ciidanka, waxaa laga rabaa Dowladda iney xaqiijiso shaqsiga askari ahaanta loo qoraayo’’ Cashara.

Sidoo kale Xildhibaan Hore Cawad Cashara ayaa ku taliyay in shacabka Soomaaliyeed iyaguna dhankooda ay dowladda kala shaqeeyaan sugista amniga si loo wanaajiyo ammaanka guud ee dalka.

“Dowladdu ma shaqeyn karto shacabka la’aantii waxaa waajib ku ah ruux kasta oo muwaadin ah in uu la shaqeeyo hogaanka Ciidanka, waa hubaal in markaas laga guuleysanayo kooxaha nabadda kasoo horjeeda’’

Ugu dambeyn Cawad Axmed Cashara ayaa laamaha amaanka ka dalbaday in kalsooni ay ka kasbadaan Shacabka oo meel qura looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadda ka hor imaanaysa.

Goobjoog News