U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Afgooye

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii la sheegay in weerar lama filaan ah ay ciidamada Al-shabaab kusoo qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen koontarool ku yaallay degmadaasi.

Dagaalayahannada weerarka soo qaaday ayaa la sheegay iney wateen gaadiidka dadweynaha, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa dagaalkaasi ku dhintey, waxaana ku dhaawacmay Afar kale, sidey dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay daqiiqado kooban gacanta ku hayeen xaafado kamid ah degmada Afgooye.

Xaaladda guud ee degmada Afgooye hadda waa mid deggan, waxayna ciidamada dowladda wadaan holwgallo.

Dhanka kale, maamulka degmada Afgooye iyo kan gobolka Shabellaha Hoose weli kama aanay hadalka dagaalkaasi dhacay.

Goobjoog News