U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Faah fahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal gelinkii dambe ee maanta ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Goob jooge ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka, ka yimid dhanka Laanta buuro kuna soo wajahna degmada Afgooye ay jidka u galeen dagaalyahanno Al-shabaab ah.

Lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay, hase ahaatee dagaalka ayaa socda in ka badan saacad, iyadoo hub culus la isku adeegsaday.

Xaaladda halkii lagu dagaallamay ayaa caawa ah mid deggan mana jirto wax war ah oo ay dagalkaasi kasoo saareen dhinacyadii dagaallamay.

Goobjoog News