U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamaya Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab uu ka socdo duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Balliga oo duleedka ka ah Balcad, waxaana la isku adeegsanaya rasaas xooggan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay ka hortageen weeraro ay ciidanka Al-shabaab la damacsanaayeen in mar kale kusoo qaadaan degmada Balcad iyo deegaanno kale.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo aynu la hadalnay waxay sheegeen in dagaalka ay iyagu ku gacan sareeyaan, islamarkaana ay ku siqayaan fariisimo badan oo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Warakaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News