U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay Deegaanka Leego, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay  ka sameeyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyah deegaankaasi Abukar C/laahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in howlgalladan ay ahaayeen kuwo habeenadii ugu dambeeyay ay ka sameeyaan degaanka, amnigana ay wax badan ka bedaleen.

Waxa uu sheegay in deegaanka oo muddo Bil ku dhow saaran yahay Bandow habeenkii ah, in ciidamada ay raadiyaan cid walbo oo dooneysa iney jabiso ammarka Bandowga ah.

“Hadda amniga deegaanka wax badan ayaa iska bedalay, ciidamada waxay habeenkii oo dhan sameeyaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, Bandow ayaa saaran habeenkii deegaanka, waxaana muuqata in amniga uu wax badan iska bedalay” ayuu yiri guddoomiyaha Leego.

Guddoomiye Abukar ma aanu sheegin haddii ay jiraan cid ay kusoo qabteen  holwgllada,  balse wuxuu ku gaabsaday in amniga ay wax badan ka qabteen.

Goobjoog News