U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay Degmada Hodon, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa xasilinta caasimadda Muqdisho ayaa saakay waxay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen degmada Hodon.

Howlgalkaan ayeey ciidanka si gaar ah waxay uga sameeyeen Nawaaxiga Digfeer, Tarabuunka iyo xaafado kale.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, iney arkeen dad badan oo lagu qabtay howlgalkaan, islamarkaana u badan dhallinyaro.

Dadka waxaa la isugu geynayey meel bannaan ah si loo kala saaro, iyadoo howlgalkan uu qeyb ka yahay midka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku xasilineyso magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amniga ee hoggaaminaya howlgalkaan weli wax faah faahin ah kama aanay bixin howlgalladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News