U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyey Degmada Qoryooley, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay ka sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Booliiska degmadaasi Cali Maxamed Aadan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalka ulajeedkiisu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka degmada iyo nawaaxigeeda.

Waxa uu tilmaamay taliyaha iney qabteen ku dhowaad 5 qof oo lala xiriirinayo iney maleegayeen falal amni darro ah, wuxuuna hoosta ka xariiqey in shacabka iyo ciidanka ay wada shaqeeyaan.

“Ammaanka waa mid hagaagsan, shacabka iyo ciidanka waa ay wada shaqeeyaan, mana jirto dhibaato ka taagan degmada, waxaa jira dad tuhun kusoo qabannay, balse baaritaan ayaan ku haynaa” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale taliyaha Booliiska degmada Qoryooley ayaa sheegay in 7 ruux oo horey ciidamada ugu qabteen howlgallo ay usoo gudbiyeen dhanka CID si baaritaan loogu sameeyo.

Al-shabaab ayaa mararka qaar waxay weeraro ku qaadaan degmada Qoryooley oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News