U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay howlgallo ka wadaan maanta degaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ayaa sheegaya in howlgallada ay ka soconayaan degaanno duleedka ka ah magaalada Baardheere halkaas oo ay ku dagaallameen ciidanka dowladda iyo dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Warar soo baxaya saakay ayaa sheegaya in xalay meel qiyaastii 30-Km u jirta magaalada laga maqlay hoobiyeyaal.

Saraakiisha dowladda ee gobolka oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsanaya inay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha gaaray haseyeeshee waxaa laga soo xigtay oo kaliya inay soconayaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News