U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Xaafado Ka Tirsan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamad dowldda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxay howlgallo baaritaan ah ka wadaan xaafado ka tirsan magaalad Muqdisho.

Howlgalladan ayaa si gaar ah waxay uga socdaa inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo sidoo kale xaafadda loo yaqaan Siliga Maraykanka ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidankaan ay gacanta ku dhigeen tiro dhallinyaro ah oo illaa hadda inta ay la egyihiin aan la caddeyn.

Dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee halkaasi ayaa ah mid hakad ku jira, iyadoo ciidamada ay sidoo kale galayaan qaar kamid ah guryaha halkaasi ku yaalla.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News