U bood dhigaalka

Ciidamada Gaarka ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo Weeraray Al-Shabaab

Sheeko:Dalka

War qoraala oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowladda ay burburiyeen goob ay ku tobabaranayeen xarakada Al-shabaab oo ku taallo magaalada Saakow ee gobolka Jubada dhexe.

“ Markii aan qabsanayey xafiiska waxaan sheegay inaan xoogga saari doono amniga….. weerarkaan waxa uu xoojinayaa ammaanka isagoo meesha ka saaray khatarta Al-shabaab” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxa uu sheegay in Al-shabaab ay dad badan dileen isagoo ballaan qaaday in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka inay ka badbaadinayaa Shacabka kooxaha arigixisada.

“Qof kasta oo naga mida waxa uu yaqaanaa qof dhalinyaraa, isku xaafad yihiin ama isku qoys yihiin oo ay dileen Al-shabaab ama ay dhaawaceen aniga shaqsiyan waxaa la kulmay dad badan oo dhibane u ah Al-shabaab sidaasi waxaa ku daray madaxweynaha”.

Ugu dambeyntii kooxaha isku soo dhiiba dowladda Soomaaliya waxa uu u ballan qaaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo  in ay heli doonaan cafis iyo dhaqan celin .

Goobjoog News