U bood dhigaalka

Ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaaniga Oo Badbaadiyay Tahriibayaal

Sheeko:Dalka

Ciidamada ilaalada xeebaha dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa sheegay inay badbaadiyeen 5 kun oo muhaajiriin ah kuwaasi oo isku dayayay inay gaaraan qaaradda Yurub, dadkaani ayaa waxaa la badbaadiyay saddexdii maalin ee ugu dambeysay.

Dadkaan Tahriibiyaasha ah ayaa waxay doonayeen inay ka gudbaaan badda Cas halkaasna ay ka galaan dalka Talyaaniga, balse tahriibiyaashaan ayaa boqolkiiba 10% waxaa dib loogu celiyay waddanka Liibiya oo markii hore ay ka soo galeen Talyaaniga.

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa waxay badbaadiyeen ku dhawaad 2300 oo tahriibiyaal ah kuwaas oo ay saarnaayeen labaatan iyo labo doomood oo ka timid Liibiya.

Dhanka kale ururka Dhakhaatiirta aan xaduuda lahayn ayaa waxay badbaadiyeen doon ay saarnaayeen ku dhawaad 770 oo qof kuwaas oo doonayay inay u talaabaan qaaradda Yurub .

Goobjoog News