U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Oo Howlgal Ka Wada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in saakay oo Arbaco ah ay ciidamada maamulka Jubbaland ay howlgal ballaaran ka wadaan xaafadaha magaaladaasi.

Ciidamada ayaa galaya qaar kamid ah guryaha ku yaalla Kismaayo, iyaga oo la sheegay iney raadinayaan rag lagu tuhunsan yahay Al-shabaabnimo.

Illaa iyo hadda lama soo sheegin cid ay ciidankaan howlgalka kusoo qabteen, waxaana meelaha qaar aanu jirin isku socod dadweyne.

Howlgalkaan ayaa daba socda qarax maqribkii xalay ka dhacay Kismaayo, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada howlgalkaan wada waa ay ka gaabsadeen iney faah faahin dheeraad ah bixiyaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News